Tirada qaxootiga Suudaan oo lagu qiyaasay in ay gaareyso illaa 80,000 iyo Qm oo xal u raadineysa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay waddo qorshayaal ay kula tacaalayso qaxootiga faraha badan ee ka imaanaya dalka Suudaan, haddii uusan joogsan dagaalka u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Tobanaan kun ayaa mar hore u qaxay dalalka dariska ah.

Hase yeeshee saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan in tirade qaxootiga ay kor u dhaafi karto siddeed boqol oo kun.

Waxay sidoo kale sahminayaan sidii gargaar bini’aadannimo loo gaarsiin lahaa malaayiin qof oo ku sugan gudaha Suudaan.

daadgureynta muwaadiniinta Ajaanibta ah ayaa sii socotay, iyadoo boqolaal laga soo qaaday Badda Cas, laga soo qaaday Sudan, lana geeyay Sacuudiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker