Biden oo ku kaftamay da’diisa xili laga sheegayo in gabowgu wax u dhimay

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in maalqabeenka Rupert Murdoch, oo 92 jir ah, uu ku tilmaamay muuqaalkiisa heesaagii Harry Styles.

Wuxuu ku kaftamay inuu saaxiib la ahaa mid kamid ah aasaasayaashii dowladda Maraykanka, James Madison, intii lagu guda jiray xafladda cashada loo qabto warfidiyeenada sanad waliba.

Madaxweynaha ayaa sida caadada ah soo gudbiya kaftan, iyo soo qaadista hadalada la isla dhex marayo, iyadoo suxufiyiinta la garanayo ay hortiisa fadhiyaan xaflad ka dhacday Aqalka Cad.

Biden, oo 80 sano jir ah, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu mar kale qeyb ka noqdo tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Waxaa uu ujeedkiisu ahaa inuu u jawaabo dadka dhaleeceeya, oo u maleynaya inaanu awood u lahayn ka jibo keenista hadafka doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker