Diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay oo duqeysay maagaalo ku taalla isla Ruushka

Wasaaradda difaaca ee magaalada Moscow ayaa sheegtay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay si aan ku talagal ahayn u duqaysay magaalada Belgorod ee u dhow xadka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in qaraxa uu sababay bohol aad u weyn oo qiyaastii 20 mitir.

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay, dhowr dhismena waa ay burbureen, ayuu yiri. Hal guri oo dabaq ah ayaa sidoo kale wax-yeello soo gaartay.

Diyaarad tirsigeedu yahay Su-34 oo ah nooca dagaalka ayaa si lama filaan ah u sii daysay bamka, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska labo wado oo aan ka fogeyn bartamaha magaalada iyo dhanka dhismooyinka la dego.

Baaritaan ayaa socda oo ku aaddan duqeynta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker