Elon Musk oo ku hanjabay inuu dacweyn doono shirkadda Microsoft

Maamulaha shirkadda Twitter-ka, Elon Musk, ayaa ku hanjabay inuu dacweyn doono shirkadda Microsoft, maadaama uu shirkadda weyn ee tignoolajiyada uu ku eedeeyay inay u adeegsatay xogta shirkaddiisa baraha bulshada fasax laโ€™aan.

“Waxay u qaabeen si sharci darro ah, iyagoo isticmaalaya xogta Twitter-ka.,” bilyaneer-ka ayaa ku yiri sidaasi bartiisa twitter-ka.

Mr Musk ayaa ka jawaabayay qorshaha Microsoft ay kaga saarayso Twitter-ka xayaysiisyada qeybaha kala duwan ee shirkadda Microsoft.

Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah, ama caddayn baritaareysa sheegashada.

Microsoft way diiday inay faallo ka bixiso, markii BBC-du ay la xiriirtay Khamiistii.

Kal hore, ayaa shirkadda Microsoft waxay ku sheegtay ogaysiis ay soo gudbsay, in qeybteeda xayaysiisku “aanay qeyb ka sii ahaan doonin Twitter” laga bilaabo Talaadada 25ka bishan Abriil ee sanadka 2023-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker