Kaamerooyin basaasi doona haweenka Iran ee aan qabin Xijaabka

Haweeneydii la arko iyadoo aan xirneyn xijaabka waxay heli doontaa digniin qoraal oo ku saabsan cawaqibka ka dhalan kara arrintaas , sida boliisku sheegeen.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhashay sanadki hore markii ay xabsiga ku dhimatay Mahsa Amini oo aheyd haweeney da’ yar oo kurdish ah oo loo xiray in ay iska dhihtay xijaabka.

Tan iyo markii ay gabadhaasi dhimatay ayaa tiro badan oo haween ah waxay iska dhigeen xijaabka gaar ahaan magaalooyinka waaeyn inkastoo ay qatar ugu jiraan in la xiro.

War ay soo saareen boliiska ayaa lagu sheegayin habka loogu magac daray kaamerooyinka caqliga leh iyo qalabkooda si loo ogaado isla markaana farriimo loogu diro kuwa ku xadgudba sharciga xijaabka.

Haweenka ayaa sharci ahaan looga baahan yahay in ay daboolaan timahooda oo ay ku daboolaan xijaabtan iyo 1979kii oo Kacaankii Islaamiga ahaa uu soo saaray sharci diini ah oo adagoo qofkii ku xadgudbaa uu la kulmayo xabsi iyo ganaax.

Warka uu boliisku soo saaray ayaa lagu macneeyey xijaabka mid ka mid ah aasaaska ilbaxnimo oo qaranka Iran waxaana lagu guubaabiyey ganacsatada in ay aad u taageeraan sharciyadaas .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker