Macallin Klopp oo si weyn u ammaanay Arsenal iyo Arteta ka hor kulanka ay wada ciyaarayaan axadda

Jurgen Klopp oo ka hadlaya kooxda ku soo wajahan ee Arsenal ayaa yiri: “Waa koox ka duwan sidii hore, Mikel waxa uu dhisayay dhawr sano haatan, natiijaduna waa mid cajiib ah, runtii kubbad fiican, ciyaartoy heer sare ah iyo qorshayaal fiican ayaa ka muuqda.

Waxaa uu sii raaciyay “runtii waxaan filayaa in Mikel uu u qalmay daqiiqad kasta oo uu halkaasi tagay markii arrimuha Arsenal aanay fiicnayn”.

“Kooxdu aad ayay u habaysan tahay, waana koox xasiloon, baddalkoodu aad buu fiican yahay, taasi waa khibaradda ay hadda isticmaalayaan.”

Tababaraha Liverpool ayaa guul gaaray lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee uu gurigiisa kula ciyaaray Arsenal.

Waxay la macno tahay inuu badin karo todobo kulan oo isku xigta oo uu ka hor yimaado koox ka soo horjeedda markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed ee heerka koowaad, tan iyo markii uu sidaas sameeyay kulankii Werder Bremen ee Borussia Dortmund (2009-15).

Waa wax aan la saadaalin Karin in liverpool hadda ay kasoo muuqan karto afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka premier league.

Way adag tahay in la ogaado sababta uu hoos ugu dhacay ololaha Liverpool marka loo eego wixii la filayey.

Waxay lumiyeen Sadio Mane, Takumi Minamino iyo Divock Origi waxana kusoo biiray Darwin Nunez iyo Cody Gakpo.

Virgil van Dijk ayaa ku soo laabtay tababarka halka Luis Diaz iyo Thiago ay labaduba ku soo laabteen tababarka buuxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker