Ciyaartoyda Muslimiinta ee loo joojinayo kulamada caawa si ay u afuraan

Kulamada galabta lagu wado in ay dhacaan ee horyaalka Ingiriiska ayaa la qorsheynayaa in la joojiyo xilliga afurka si ay u afuraan ciyaartoyda muslimiinta ah ee ciyaaraya, waqti yar oo ay wax ku cunaan ama ku cabaan ayaa loo badinayaa in loo ogglaan doono.

Ciyaartii shalay Everton ee Tottenham ayaa la joojiyay daqiiqadii 26aad si loogu ogolaado ciyaartoydii soomanaa maalintii inay qaataan tamar dheeri ah.

Ciyaarta Chelsea iyo Liverpool ee London waxay soo gali doontaa 20:00, taasoo ku aadan xilliga afurka ee UK

Dhanka kale xiriirka kubadda cagta France ayaa garsoorayaasha u sheegay in aysan qasab ahayn in la joojiyo ciyaaraha si ciyaartoyda muslimiinta ah ay u afuraan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

“Kubbadda cagtu ma tixgalinayso siyaasadda, diinta, fikirka, ama tixgalinta ururada ganacsiga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker