Haween timahooda qaawan dartood madaxa looga shubay caano garoor oo la xiray
Labo haween ayaa lagu xidhay dalka Iiraan kaddib markii lagu weeraray caano gadhoodha, sababo la xidhiidha inaysan xidhan xijaab.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa laga arki karaa labo haween oo ku sugan dukaan markaasoo uu weeraray nin. Wuxuu bilaabay inuu la hadlo kaddibna wuxuu la soo baxay dhalo caano gadhoodh ahi ay ku jiraan kadibna madaxa uga shubay.
Waaxda caddaaladda Iiraan ayaa sheegtay in labada haween loo xidhay sababo la xidhiidha inay timahooda qaawiyeen, taasoo dembi ka ah dalkaas Iiraa.
Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo ruxay IIraan oo lagu dalbanayay soo afjaridda in haweenka lagu qasbo xidhashada xijaabka.
Ninkan ayaa isna la xidhay sababo la xidhiidha inuu dad ku dhibaateeyay meel shaaric ah.