Xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray shil mooto

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa ku geeriyooday isbitaal lagu daweynayay, kadib markii uu shil ku galay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Kullow Macalin Xassan ayaa markii labaad ahaa xildhibaan laga soo doortay deegaanka Banisa ee waqooyi bari Kenya.

Qoyskiisa ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in xildhibaanka uu Sabtidii ku dhuftay nin mooto xawli ku socday.

Waxaa la sheegay inuu dhaawacaasi u geeriyooday habeenimadii Talaadada. Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa tacsi marxuunka u mariyay dhanka baraha bulshada.

“Macalin wuxuu ahaa shaqaale dowladeed oo daacad ah oo go’aan leh,” ayuu yiri Kimani Ichung’wah, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.

“Kulow waxa uu ahaa qof wanaagsan oo si gaar ah ugu heellan kormeerkiisa iyo sidoo kale hawlaha kale ee baarlamaanka,” ayuu yiri xildhibaanka galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker