Safar uu Faransiiska ku tagi lahaa Boqorka Charles-ka saddexaad ee Britain oo dib loo dhigay
Safarkii Boqorka Charles-ka saddexaad ee Britain ee dalka Faransiiska, ayaa dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid madaxweyne Emmanuel Macron, sida uu baahiyey xafiiska Downing Street.
Qasriga Elysée ee Faransiiska, ayaa sheegay in go’aanka loo qaatay iyadoo wax lag badalayo qorshe kal hore la dajiyey.
Safarka magaalooyinka Paris iyo Bordeaux, ayaa lagu waday inuu bilowdo Axadda, laakiin dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa qaar ka mid ah rabshadihii ugu xumaa, tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilaabeen bishii Janaayo.
Qasriga Buckingham, ayaa sheegay in dibu dhaca ay sabab u tahay “xaaladda Faransiiska”.