Ciidanka Mareykanka oo duqeymo dhanka cirka ah ka geystay dalka Suuriya

Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah kooxaha xiriirka la leh Iran ka fuliyay bariga Suuriya, ka dib markii diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ah ay dishay qandaraasle Mareykan ah, ayuu yiri madaxa difaaca Mareykanka.

Siddeed dagaalyahan oo taageersan Iran, ayaa la dilay, sida ay sheegeen Kooxda la socodka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya

Saraakiisha difaaca, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay dhaceen habeenimadii Khamiista.

Weerarkani ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sirdoonka Maraykanku.

Saldhigyada Mareykanka ee waqooyi bari dalka Suuriya, ayaa kal hore la weeraray, iyadoo Mareykanka uu ku jawaabay duqeymo dhanka cirka ah.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafa Mareykanka, ayaa duqeeyay goobo ku yaal bariga Suuriya, oo uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), iyadoo ciidankani yahay ciidan xoog badan.

Waaxda difaaca Mareykanka, ayaa sheegtay in qandaraaslaha lala dilay shan ka mid ah shaqaalaha Mareykanka, iyo qandaraasle labaad oo dhaawac ah, kadib markii diyaarada aan duuliyaha lahayn ay duqeysay xarun wax lagu dayactiro oo ku taalla saldhigga isbaheysiga ee ku dhow Hasakah ,subaxnimadii hore ee maanta.

Kooxda la socodka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya – oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, ayaa sheegtay in 8 ka tirsan maleeshiyaatka ay taageerto Iran lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ah, kuwaas oo ay sheegeen in lala beegsaday goobo ku yaalla Al-Bukamal iyo al-Mayadeen, oo ka tirsan gobolka Deir al-Zour, iyo Deir al-Zour.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker