TPLF oo Getachew Redan u soo xulatay madaxweynaha deegaanka Tigray

Golaha dhexe ee TPLF,ayaa waxaa la sheegay in Getachew Redan ayu doorteen inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega doorashadii uu qabtay.

Telefishinka Gobolka Tigray, ayaa sheegay in Getachew Reda ay kooxda TPLF u dooratay inuu noqdo madaxweynaha maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Tigrayga.

Sida ku cad heshiiskii ay dawlada dhexe iyo kooxda TPLF bilo ka hor ku gaadheen magaalada Pretoria, ayaa ahaa in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddaasi, iyadoo lagu go’aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo sameeyo gobolka Tigray.

Ka dib marka la dhiso ay maamulka ku meel gaarka ah ee gobolka, ayaa waxaa ansixin doono dowladda federaalka, sida ku cad heshiiska nabadda ee Pretoria.

Marka la eego matalaada maamulka ku meel gaarka ah, boqolkiiba 30 waxa la siin doonaa TPLF, 25% ciidanka Tigrayga, boqolkiiba 15 waxa la siin doonaa xisbiyada mucaaradka, inta kalena waxa la siin doonaa waxgaradka iyo ururada bulshada.

Waxaa xusid mudan in Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo maalmo ka hor booqasho ku tagay dalka Itoobiya uu la hadlay mas’uuliyiintii ka wada xaajooday heshiiska nabadeed ee Pretoria.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker