Masar oo martigelineysa wadahallada Falastiin iyo Israa’iil

Masar ayaa Axadda maanta ah mas’uuliyiin Israa’iil iyo Falastiiniyiin ah ku martigelinaysa magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh, dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo rabshadaha ba’an ee ka socda Daanta Galbeed kahor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Shirkan oo shan geesood ah ayaa daba socday shir-madaxeedkii Maraykanka uu garwadeenka ka ahaa ee 26-kii bishii February ka dhacay dalka Urdun, kaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo sanado ah, waxaana lagu xaqiijinayo ballanqaadyada Israel iyo Falastiiniyiinta ee ah in ay xaaladda qaboojiyaan balse waxaa ka soo horjeestay kooxaha labada dhinac oo ku guuldareystay inay joojiyaan rabshadaha dhulka.

Kulanka Sharm el-Sheikh “ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero wadahadalka u dhexeeya dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka hal dhinac ah iyo sii kicinta, iyo in la joojiyo wareegga rabshadaha ee socda lana helo xasillooni”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Falastiiniyiinta ayaa rajeenaya inay yagleelaan dowlad madax-banaan oo ka dhisan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay caasimad u tahay bariga Quddus –dhulalkan oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker