Tallaabo uu qaaday Macron oo caro xooggan ka dhalisay Faransiiska

Dibad-baxayaal ayaa xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ,ayada oo dadka ay aad uga careysan yihiin qorshe madaxweyne Emmanuel Macron uu ku kordhiyey da’da howlgabka, ayada oo aan laga soo ansixin baarlamanka.

Tallaabada Macron ayaa dibad-baxyo culus ka billowday Faransiiska oo dhan habeenkii Khamiista, ayada oo in ka badan 300 qof la xiray, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Subaxnimadi Jimcaha, qiyaastii 200 oo qof ayaa si kooban u xanibay waddo muhiim ah oo ku taalla magaalada Paris.

Soumaya Gentet, oo ah 51 jir xubin ka ah ururka midowga shaqaalaha CGT kana shaqeysa dukaanka weyn ee Monoprix ayaa sheegtay inay careysan tahay, islamarkaana ay sii wadi doonaan dibadbaxyada illaa laga laabto go’aanka.

“Kuma xisaabtamayaan waxa ay doonayaan shacabka,” ayey tiri.
Lamia Kerrouzi, oo ay saaxiibo yihiin ayaa Iyana tiri “Macron wax dan ah kama lahan shacabka. Ma fahmayo luuqadda shacabka. Sharcigan waa in laga laabtaa.”

Dhinaca kale, shaqaalaha xarun weyn oo shidaalka lagu naadiifiyo ayaa ku dhowaaqay shaqo joojin, sida uu sheegay Eric Sellini oo matala ururka midowga shaqaalaha ee CGT.

Dowladda ayaa Khamiistii qaadatay tallaabo muran dastuuri ah dhalisay, oo ah in dikreeto wax looga beddelo da’da howlgabka, taasi oo dibadbaxyo xooggan ka dhalisay banaanka xarunta baarlamanka ee Paris iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Tallaabada ay dowladda qaaday ayaa da’da howlgabka ka dhigeysa 64, halka iminka ay ka tahay 62, inkasta oo muddo laba bil ah ay socdeen dibadbaxyo iyo shaqo joojin looga soo horjeeday.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker