DDS Ethiopia Iyo Somaliland oo Kawada Hadlay Sicir-bararka Wajaale

Somaliland iyo Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa heshiis ka gaadhay dhibaatooyinka sicir-bararka ee sarifka lacagaha ee magaaladda Tog-Wajaale.

Heshiiskaasi ayaana la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka sarifka lagacaha qalaad ee ka taagan magaallo xuduudeedka Tog-Wajaale.

Sidoo kale, waxa dhibaatooyinkaasi ka mid ah hoos u dhac dhinaca qiimaha ah oo ku yimid lacagta Birrta ah ee dalka Ethiopia, taasoo saamayn ku yeelatay ganacsiga magaaladda Tog-Wajaale.

Waxa kaloo ka mid ah dhibaatooyinka ganacsiga Wajaale saamaynta ku yeeshay iyadoo ay jirto lacag sharci darro ah oo u kala gudubta labadda dal.

Kadib shirrar joogto ahaa oo ay afartii maalmood ee u dabeeyay ka socday xarunta baanka dhexe ee Somaliland ee magaaladda Hargaysa, ayaa la iskula qaatay in arrimahaasi wax laga qabto.

Waxaana shirarkaasi dhinaca dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia uga qayb galay wefti ay hogaaminaysay wasiir ku-xigeenka ganacsiga ee DDS Ethiopia.

Gebagebadda kulanamadda arrintaasi wax lagaga qabanayo ayaa kii u danbeeyay waxa uu maanta ka qabsoomay Laanta baanka Somaliland ee magaaladda Wajaale.

Waxaana kulankii maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay labadda dhinac isku qaateen sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka ka taagan Wajaale.

Weftiga dhinaca Somaliland waxaa hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka baanka dhexe ee Somaliland C/raxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, oo uu wehelinayay guddoomiyaha ururka Sarifleyaasha lacagaha ee Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker