War ka soo kordhay muuqaalka fadeexaddii madaxweyne Salva Kiir “oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday”

Laba ka mid ah afar wariye oo loo xiray faafinta muuqaalladii u muuqday inay muujinayaan madaxweyne Salva Kiir oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta ayaa laga sii daayay xabsiga.

Ururka Suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ee UJOSS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay soo dhawaynayaan sii deynta Victor Ladu iyo Mustapha Osman.

Bishii Disembar, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday mid muujinaya Mr Kiir oo isku kaadiyay, iyadoo heesta calanka la qaaday. Lix ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa loo xiray arrinkaas.

“[Waxaan] ka codsanaynaa dowladda inay sii deyso Garang John iyo Jacob Benjamin ama haddii ay hayaan kiis ay uga jawaabaan, waa in la horgeeyaa maxkamad sharciga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka UJOSS.

Xariga ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda oo ay ku jiraan Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker