Madaxweyne Xasan oo saxiixay saddex sharci oo baarlamanka uu meel-mariyey
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay saddex sharci oo dhowaan ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.
Saddexda sharci ee madaxweynuhu saxiixay ayaa kala ah; Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.
Madaxtooyada ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha uu sharciyadan saxiixay, isaga โoo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hayโadaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay.โ
Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynaha waxa uu uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamanka.
โDal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo,โ ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay โin wada-shaqeynta hayโadaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna,โ kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hayโadda, tan iyo markii la aas-aasay.




