Dab ka kacay mid ka mid ah suuqyada khudaarta ee magalaada Jigjiga

Warrarka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka subaxnimadii hore uu dab ka kacay mid ka mid ah suuqyada khudaarta ee magalaadaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qeybaha kala duwan ee laamaha amniga iyo kuwa dabdamiska ay ku guulaysteen xakamaynta dabkaasi.

Lama oga waxa kiciyay dabkan sida wayn looga dareemay qeyba badan oo kamid ah magaalada.

Sidoo kale waxaanan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dabkaasi, hasayeeshee waxay dadku si wayn baraha ay bulshada ku wada xiriiraan iskula wadaagayaan sawirro muujinaya suuqa oo si wayn u gubtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker