Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo is-casilay

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo gaaray goor dambe oo xalay ah.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo intaas raaciyay;

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada”

Warqadda is-casilaadda Maxamed Cali Omar ayaa u qorneyd sidan;

Warqadda is-casilaadda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker