Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kulan la Qaatay Madaxa Amniga ee Qaramada-midoobay (UN Security Cheif).
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa Kulan la Qaatay Joseph Katuramu oo ah Madaxa Amniga ee Qaramada-midoobay (UN Security Cheif).
kulan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaa lagaga wada hadlay Xaalad guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Horuumarka iyo wada shaqaynta Hay’addaha Qaramada-midoobay iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafiiska Warba




