Maraykanks oo ka hadlay xaaladda dagaal ee ka jirta Laascaanood

War ka soo baxay Dawladda Maraykanka, xafiiska arrimaha afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa maraykanku kaga hadlay xaaladda dagaal ee ka jirta Laascaanood, iyadoo dhambaalka maraykanka lagu sheegay in degdeg loo joojiyo dagaalka iyo duqaynta laascaanood oo saraakiisha Maraykanku ay ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin.

“Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood, sidoo kale waa in la ilaaliyaa dadka rayidka ah, gargaarka bini’aadannimadana aan la carqaladayn iyo in xiisadda lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal”
Sidaa ayaa lagu sheegay farriinta Maraykanka ee ku saabsan Colaadda Laascaanood ka socota maalintii afraad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker