Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay
Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar .
Taliyaha cusub ayaa balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hey’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliya.




