Meydka nin Tanzaniana oo lagu dilay Ukraine oo dalkiisa la keenay

Meydka muwaadin u dhashay dalka Tanzania oo lagu dilay dalka Ukraine, oo ay ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka, ayaa maanta oo Jimco ah dib looggu soo celiyey dalkiisa.

Nemes Tarimo, oo 37 jir ah, ayaa dhintay saddex bilood ka hor, kadib markii uu ogolaaday inuu la saxiixdo heshiis kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.

Meydkiisa ayaa qoyskiisu kula wareegeen garoonka weyn ee magaalada Dar es Salaam, iyadoo lagu wado in maalinta sabtida lagu aaso tuulada uu ka soo jeedo ee ku taal buuraleyda koonfureed ee dalka Tanzania.

Tarimo ayaa waxa uu magaalada Moscow ku sugnaa si uu shahaadada Masterka ee ICT, uu uga barto Jaamacadda Farsamada ee Ruushka. Laakiin waxaa loo xiray bishii Janaayo sanadkii 2021-kii wax lagu tilmaamay dembiyo la xiriira daroogo.

Sannadkii hore, ayaa waxa uu galay heshiis, isagoo la saxiixday kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, oo la hor digay in la cafiyo ama xabsiga uu ku sii jiro, in midkood uu doorto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker