Nin Mareykanka Laga Tarxiilay ee Shiinaha ka caawiyay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay

Senisyahan u dhashay Shiinaha ayaa labo dal oo ka tirsan quwadaha waaweyn ee caalamka ka caawiyay in ay gaaraan dayaxa balse waxaa lagu xusuustaa sida uu u caawiyay mid ka mid ah dalalkan, sida ay ku warrameyso Kavita Puri.

Maxtaf ku yaalla magaalada Shanghai waxaa la dhigay 70,000 oo qalab ah oo lagu xusayo ninkan oo loo yaqaano “Seynisyahankii dadka” oo magaciisuna yahay Qian Xuesen.

Qian Xuesen waa aabihii soo saaray gantaallada iyo barnaamijka cirbixiyeenka Shiinaha. Cilmi baaris uu sameeyay seynisyahankaas wuxuu ka caawiyay Shiinaha in uu hawada u diro dayax-gacmeedkii ugu horreeyay, waxaana dalkaas looga arkaa “Halyeey qaran”.

Qian wuxuu ku dhashay Shiinaha sannadkii 1911-kii, waaliddintiisa waxay ahaayeen dad wax bartay, kaddib markii uu ka shaqeeyay Japan, wuxuu bilaabay hanaankii waxbarashada Shiinaha.

Qian wuxuu ahaa ardey firfircoon, wuxuu ka qalin jebiyay jaamacadda ku taalla Shanghai ee Jiao Tong, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarsho oo naadir ah si uu ugu biiro jaamacadda teknoloojiyadda ee Massachusetts ee ku taalla Mareykanka.

 

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker