Xukuumadda, Mucaaridka Iyo Madax-da Dhaqanka Somaliland Oo Si Isku Mid Ah Uga Hadlay kacdoonka Laascaanood

Xukuumadda, Madax-da Mucaaridka, qaar kamid ah Madax-da Dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

Wasiirka Waraada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in xukuumadu ay rabto in ay gogosha xal u helista arrinta Laascaanood balaadhiso, isla markaana talo loo dhanyahay xalka lagu galo.

Waxaanu yidhi.”Xukuumadu markii horena iskuma koobin imikana iskuma koobayso, waxay ila tahay in gogosheedu ay balaadhantahay, oo la balaadhiyo oo talo qaran laga yeesho, xisbiyada mucaaradka ahna kaalin baa uga furan in ay kasoo qaybqaataan talada”

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyay in talo midaysan laga yeesho xaalada Laascaanood, isagoo madax dhaqameedka usoo jeediyay in ay Laascaanood tagaan.

Waxaanu yidhi.”Madaxda dhaqanka waxaan usoo jeedinayaa in ay baaq midaysan, oo urursan oo midaysan Laascaanood ay la tagaan, oo ay kaga qayb qaataan qadiyada iyo dajinteeda”

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan xal u helista xaalada Laascaanood, waxaanu madaxweynaha ku eedeeyay in uu wali doorkiisii maqanyahay.

Waxaanu yidhi.”Hore ayaanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay in aanu qayb ka noqono, qaranimadana is garab taagno, lakiin arrintaasi xal ayay u baahantahay kama danbaystii, waxanan isleeyahay wali waxa maqan kaalintii madaxweynaha”.

Mudaharaado Laascaanood ka qarxay dhamaadkii bishii hore, ayaa isku badalay doonis ay shacabka magaalada iyo cuqaasha deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay ku yagleelaan maamul Somaliland ka madaxbannaan.

#Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. “MAHADSANID”.

Saxafi Khaddar Ali Khum “Shiine”
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker