Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyii Muqdisho Oo La Shaaciyay

Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaan Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay  agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday  gaadhi noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen Qaraxyadda sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhaawaad 25 ruux.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker