XUKUUMADDII HORE XAGGA DUBAI BY U LUNTAY XUKUUMADDAN XAGGA DJABOUTI BAY U LUMAYSAA

Haddaan Ka soo bilaabo 1940kii Xeebtaa Jaboutee Somali laga xaday iyo Magalada Berbera way is leegaayeen weliba Berberaa Magac dheerayd oo JACAYLKII CILMI BOODHARI IYO HODAN KU HOGAAMINAYSAY oo Ka war wacaal badnayd(media). DJABOUTI waxaa aasaasay Gumaystihii Faransiiska oo u bixiyey dalkii Canfarta iyo Ciisaha 1988kii, nasiibkeeduna iyo calafkeeda labaad Faransiiska (Base) kiisa Ka sokow wuxuu noqday Arsaaqad Ka soo dhexbooday dhibaatada mudada dheer Ka dhex aloosnayd Mandaqada Geeska Afrika ee ahayd colaaddii gaamurtay ee u dhexeysay Somali Republic iyo Ethiopia iyo colaaddii kale ee u dhexeysay Eritrea IYO Ethiopia ILAY SHAYDAANKU A CALAFBUU LEEYAHAYE. ARSAAQADDAA YARA GURACAN BAY DJABOUTI KU DHALATAY OO KU SOO BARBAARTAY.

Waa nasiib darada DJABOUTI ye xilligii baa dhamaaday oo Ethiopia iyo Eritrea way heshiiyeen Dekedihii Eritreans way u furmeen Ethiopia waa ta labaade Somali Republic markay gacantii Mohamed Siyaad Barre KU burburtay waxaa Ethiopia hoos yimi oo ay iyadu KU Amar KU taaglaysaa xeebtii Afrika ugu dheerayd ee Somalida oo imika ay Agenda yaal badan Ka leeday oon isticmaal qudha ahayn Dekedaha ay Military Base Ka samaysanaysaa si aanay weligeed dib uga noqon. DJABOUTI Waxaa hor yimid mustaqbal madaw oo ah inaanay is kefayn karayn Dal ahaan oo teeda labaade waxay noqotay Dal boqor leeyahay oon petrol na lahayn wax Dekedda dhaafsiisan lahayn .Muhiimaddi (military Bases) way sii yaraanaysaa sidii Cirka loogu baxayba ee Technology guna here wax walba dhaqso loo ogaanayo meel kasta dunidana Cirka laga daawanayo oo (bases) cirkay degeenba imika. Xukuumaddii DJABOUTI nolishii way KU soo xoontay oo way KU sii adkaanaysaa maalinba maalinta Ka dambaysa. Wadada qudhee u bannaan ee ay kusii jiri kartaa waa iyadoo Somaliland Xukuumadda KU Kulimiye isku darsadaan haddii la Ictiraafo isaga WADANI iyo shacabkiisu DJABOUTI ma ogola Inay Somaliland soo Fara geliso, ama Somalia oo degta oo miyirsata ay KU darsato.
Laakiin xaalkeedu imika ma wacna oo reer Berberaa KU maahmaahi jiray BAANIYAALKU MARKUU KACO BUUGAATUU KU WAASHAA oo wuxuu yidhaa talow Cid wax ma KU lahayd ; imika halkaa waa halka UU Ismaili Cumar Geelle KU waashay Cid wax ma KU lahayd iyo Geelle Arab ii soo qabta iyo Wuxuu helay Muse Biixi oo isna Somaliland u sii jiidaya XAGGA DJABOUTI sidii Xukuumaddii Siilaanyo Ka xanuunsadayba ugu jiiday SOMALILAND xagga Dubai.

M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker