Madaxweyne ku baaqay in ragga ay joojiyaan basaasiadda teleefoonada xaasaskooda

Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema ayaa ugu baaqay ragga inay joojiyaan basaasiadda teleefoonada xaasaskooda.

Hadalkiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada ku aadan sidii looga hortaggi lahaa kiisaska la xiriira furriinka dalkaas oo sare u kacay.

Xogta la diiwaangeliyay waxay muujineysaa in sanadkii hore oo kaliya ah kiisaska furriinka Zambia ay gaareen in ka badan 22,000, madaxweynaha wuxuu warbixintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

“Jaceyl ayaan isku guursannaa, iskuma guursanno in aan is furno oo aan kala tegno, iskuma guursanno in aan is eedeyno” ayuu yiri madaxweynaha Zambia, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Wuxuu intaa ku daray, “Xoriyadda waa in aad mas’uuliyad iska saarto sidii aan xoriyadda u xaddidi laheyd ma ahan in aad farageliso xoriyadda dadka kale”.

Waxaana ugu wacan arrimo ay kamid yihiin, khilaafka ka dhaca qoyska, aflagaadada iyo tallaabooyinka gurucan ee ka dhex dhaca qoyska.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker