Sababta kaneecada u qaniinto dadka qaar in ka badan dadka kale

Ma ka mid tahay dadka ay joogtada u qaniinto kaneecada iyadoo dadka hareerahaaga fadhiya aysan sidaada oo kale u qaniinin?

Seynisyahanada ayaa muddo dheer ogaa in kaneecada aysan isku si dadka oo dhan u qaniinin oo dadka qaar ay ku badan tahay qaniinyada.

Cilmibaarisyo badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka qaar ay soo jiitaan kaneecada sababo la xiriira shiirka jirkooda. Qubarada ayaa ku taliyay habab looga badbaadi karo qaniinyada kaneecada.

Maxay kaneecada dadka qaar u qaniintaa marar badan?

Cilmibaaris ay sameysa jaamacadda Rockefeller ee New York taas oo lagu sameeyay shiirka jirka bani’aadanka iyo sida uu kaneecada u soo jiito ayaa natiijada ka soo baxday cilimibaarista waxaa lagu ogaaday waxyaabo badan.

Dadka qaar jirkood boqol jeer ayuu soo jiitada kaneecada si ka badan kuwa kale.

Baaris ay seynisyahada ku sameeyeen waxa sababa arintaas ayey ku ogaadeen in maqaarka jirka dadka kaneecada soo jiita ay ku badan tahay saliidda jirka bani’aadamka ka soo baxda marka ay dhididaan ee wadata curiyaha carboxylic acid.

Cilmibaarista ayaa sidoo kale sheegtay in cadadda walxahan aysan muddo isbedellin. Waxaa loola jeedaa in dadkaas uu jirkooda aad u sii jooto kaneecada inta ay nool yihiin, aad ayeyna aad u qaniinto kaneecada.

Balse seynisyahanada ayaa si weyn u rajeynaya inay soo saaraan wax looga hortago qaniinyada kaneecada taas oo ah in horta la ogaado waxa ku jira shiirka soo jiita kaneecada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker