Saraakiil ka tirsan booliska iyo militeriga oo weli ku xiran Braziil

Wasiirka gaashaandhigga Brazil , José Múcio, ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in militeriga dalkaas ay kaalin cad ka qaateen rabshadihii labo toddobaad ka hor ka dhacay Brazil markii kumanaan qof ay ku duuleen dhismayaasha dowladda ee ku yaalla Barasila isla markaana ay burburiyeen.

José Múcio, wuxuu sheegay in taliyayaasha militeriga gaar ahaan, badda iyo ciidamada cirka ay muujiyeen taageerada ay u hayaan baaritaanka socda, islamarkaana aysan jirin cid hor istaagan in kuwa lagu helo dambiga cadaaladda la horgeeyo.

Boqolaal qof ayaa weli xiran waxaana kamid ah saraakiil ka tirsan booliska iyo militeriga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker