Erdogan oo dhex-dhexaadinaya Ruushka iyo Ukraine

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku celiyay dalabkii uu ku doonayay inuu ku dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy Jimcihii, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Turkigu.

Erdogan ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku keeno Putin iyo Zelenskiy, isaga oo hore ugu caadiyay Ruushka xabbad-joojin hal dhinac ah.

Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii hore martigeliyay wahadalladii dhoofinta Qamadaiga oo ay sidoo kale qeyb ka aheyd Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Turkey, Erdogan ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine Arbacadii.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker