Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in sargaal sare looga dilay dagaal maanta dhacay

Saaka weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Soomaaliya ay ku yaalla degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay, weerarka ayaa waxaa kaga dhintay dhanka dowladda 7 askari, oo uu ku jiro sargaal sare.

Dowladda ayaa sheegtay in dhanka Alshabaab ay ka dishay tiro badan oo dagaal yahanadooda ah.

Deegaankan ayey ciidamada dowlada Soomaaliya dhawaan kala wareegeen Alshabaab.

Sidoo kale, dowladda ayaa tilmaantay in gawaari dagaal oo ay horey uga qabsadeen Alshabaab, in haatan ay dib usoo ceshadeen.

Dhanka kale, Alshabaab, ayaa iyaguna sheegtay iney ku dileen dagaalkii saaka ka dhacay Galcad, askar badan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker