Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 100 Alshabaab ah in lagu dilay dagaalkii Galcad

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 ka tirsan kooxda Alshabaab in saaka lagu dilay markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga oo ku yaalla Magaalada Galcad.

Sida ay dowladdu sheegtay, dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay kooxda Alshabaab, waxayna sheegtay inay meydadkooda daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay in Alshabaab dagaalka looga gubay ilaa shan gaadiid oo dagaalka ah, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay Alshabaab xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Ciidanka xoogga dalka waxaa dagaalka uga  dhintay 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay dagaalka kala qeyb qaateen Saaxiibada Caalamiga ah, kuwaas oo gacan ka gaystay jabinta kooxda Alshabaab.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker