Culeys siyaasadeed oo soo food saaray Imran Khan

Golaha baarlamaanka ee gobolka Khyber Pakhtun-khwa ee dalka Pakistan, oo uu hoggaamiyo xisbiga Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, ayaa la kala diray.

Tallaabbadan ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira, gobolkan ayaa noqonaya kii labaad oo tallaabbo noocaasi ah qaado.

Pakistan ayaa waxaa hareeyay qalalaase siyaasadeed tan iyo markii xilka laga tuuray bishii April Cimraan Khaan, kaddib marki codka kalsoonida loo qaaday.

Golaha baarlamaanka ee gobolka Punjab ayaa la kala diray Axaddi hore.

Dastuurka Pakistan ayaa dhigaya in doorashada cusub ee labada gole sharci-dejin lagu qabto saddex bilood gudahood.

Cimraan Khaan, oo haysta taageerayaal aad u badan, waxa uu ku andacoonayaa in lagu riday shirqool uu Maraykanku soo maleegay balse ma uusan keenin wax caddayn ah oo uu sheegashadiisa ku xoojinayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker