Congo oo laga helay xabaalo wadareedyo lagu aasay 49 qof, ka dib dagaaladii dhowaan halkaas ka dhacay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Arbacadii in xabaalo wadareedyo ay ku jiraan meydadka 49 qof oo rayid ah laga helay woqooyiga bari ee dalka Congo, ka dib weeraradii is-xigxigay ee dhacay Sabtidii la soo dhaafay.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq oo warbaahinta kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in qubuuraha laga helay laba tuulo oo ka tirsan gobolka Ituri oo qiyaastii 30 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Bunia.

Tuulada Nyamamba waxaa laga helay xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa 42 meyd ah oo lix ka mid ahi ay caruur ahaayeen, halka meydadka toddoba qof oo kalena laga helay tuulada Mbogi.

“Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa roondo ku tegey aagaas, waxayna isla markiiba heleen warbixino ku saabsan weeraro lagu dilay dad rayid ah oo ay geysteen maleshiyaadka lagu magcaabo CODECO, weeraradaas ayaa dhacay dhamaadka usbuucii hore. markaas ka dib ayay sahan sameeyeen, waxayna ku ogaadeen dhacdooyinkan naxdinta leh” sidaas waxaa New York ka sheegay Farhan Haq.

Maamulka maxalliga ah ayaa sheegay in maleeshiyada CODECO oo la micno ah – Iskaashatada Horumarinta Kongo – ay sidoo kale afduubteen dumar, intii ay weerarkaas wadeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker