Madaxweynaha Somaliya iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Baydhaba kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee mucaaradka ah.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha ee Soomaaliya Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo), oo dhammaantood ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah, inkasta aan lagu bixin faah-faahin intaas dheer.

Sida qoraalka lagu sheegay, madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay nabadda, wadajirka iyo horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay madaxda ka qayb galeysa in ay shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee u maamulka iyo mucaaradka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ayaa isku haya qabashada doorashada madaxweynaha, ayada oo mucaaradku sheegeen in muddo xileedka madaxweynaha uu ku ekaa December 2022, balse maamulka uu ku doodayo inay jirto muddo kordhin uu baarlamanka u sameeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker