Ciidamada DRC oo iska diiday joogitaanka dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah Ruushka
Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo kajawaabaya sheegashada kooxda jabhadda ayaa iska diiday joogitaanka dagaalyahannada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner Group ee Ruushka inay ku sugan yihiin dalkaas.
Ciidamada ayaa la daalaa dhacaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen jabhadda M23 oo bilihii la soo dhaafay qabsatay deegaano ka tirsan bariga dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in calooshood u shaqeystayaal Ruush ah ay ku sugan yihiin gobolka Waqooyiga Kivu oo ay dowladda ku casuuntay in ay gacan ka geystaan wax ka qabashada kooxda fallaagada.