Shiinaha oo dib u furay xuduudahiisa kadib saddex sano

Shiinaha ayaa xudduudahiisa dib ugu furay dadka ka imaanaya caalamka markii ugu horreysay tan iyo markii ay xayiraadaha safarka soo rogtay bishii March ee sanadkii 2020-ka.

Muddo saddex sano ah, Shiinaha ayaa qaaday sharciyadii karantiilka ee loogu talagalay dadka dalkaas uga imaaneyey dibedda.

Waa tallaabadii u dambaysay ee ay dawladdu meesha uga saarreyso siyaasaddeeda ku dhisnayd ciribtirka kiisaska cudurka Covid-19.

Waxaa dadka booqanaya Shiinaha laga doonaya inay sitaan caddeyn muujineysa in qofka uusan qabin cudurka muddo 48 saacadood gudahood.

Isbeddelka lama filaanka ah ayaa horseeday sare u kac degdeg ah kiisaska coronavirus, wuxuuna ku kalifay in waddamada kale ay ku soo rogaan xannibaado dalxiisayaasha ka imanaya shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker