Madaxweynaha Ukraine oo soo dhaweeyay tallaabo uu Mareykanka qaaday

Madaxweyne Zelensky ayaa soo dhaweeyay tallaabada Mareykanka uu ku siinayo Ukraine gaadiidka gaashaaman ee dagaalka markii ugu horeysay.

Waxa uu sheegay in gaadiidkan uu dalkiisa u baahan yahay.

Mareykanka ayaa sidoo kale Ukraine siin doona gantaalada, gawaarida gaashaaman iyo lidka madaafiicda tasoo qeyb ka ah gargaarka ku kacaya in ka badan saddex bilyan oo doolar.

Sidoo kale Jarmalka ayaa sheegay in Ukraine uu ugu deeqayo afartan kamid ah gawaarida qafilan ee dagaalka.

Weriyaha BBC-da ee Kyiv ayaa sheegaya in arrintan ay muujineyso isbaddalka ku yimid hab-dhaqanka reer galbeedka ee ku aadan dagaalka Ukraine kuwaasoo ka cabsi qabo in qalabkaas la siinayo xukuumadda Kyiv uu horseedi karo in uu sii huriyo colaadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker