Maxaa sababay xil ka qaadista wasiirkii awooda badnaa ee hawlaha guud Cabdilaahi Abokor Cismaan?

Maxaa sababay xil ka qaadista wasiirkii awooda badnaa ee hawlaha guud Cabdilaahi Abokor Cismaan?

Su,aalo badan ayey shacabka Somaliland iska waydiiyeen sababta keentay xil ka qaadista wasiirkii hore ee hawlaha guud Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Ka dib dabagal aan ku sameeyey xil ka qaasita wasiir Cabdilaahi Abokor ,warar xogogaal ah oo aan helay ayaa ii xaqiijiyey inay Muuse Biixi isku khilaafeen wareejinta guri ay dawladii Siilaanyo ku deyn baxday oo ay ku wareejisay ganacsade Axmed Siciid Ducaale(Hirad) iyo falal musuq maasuq oo wasiirku ku kacay.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa ganacsadaha Hirad Motors Axmed Siciid Ducaale u diiday inuu la wareego qayb ka mid ah guriga loo siiyey deyntii uu dawlada ku lahaa, qaybtaas oo ay ku jiraan qoyska Ilma Shirwac oo ay isku jufo yihiin Muuse Biixi.

Ka dib markii shacabka deegaanka Abdaal ay Muuse Biixi waydiisteen gaadhi ambalaas ah wakhti uu dhawaan safar ku marayey, waxa uu wasiir Cabdilaahi Abokor ugu dhiibay lacag dhan $50,000(kontonkun oo dollar) si uu ugu soo iibiyo gaadhiga.

Wararku waxay sheegeen in ex wasiir Cabdilaahi Abokor ka codsaday ganacsade Axmed Siciid Ducaale inuu bixiyo gaadhi ambalaas ah oo la siiyo dadweynaha Abdaal si uu warqad fulin ah ugu qoro guriga ay qaybta ka haystaan qoyska ilma Shirwac,isaga oo jeebka ku shubtay lacagtii loogu tala galay inuu ku soo iibiyo gaadhiga, qodobadan ayaana ka mid ahaa sababihii ay ku timid warqadii galaafatay wasiirkii hawlaha guud ee uu Muuse Biixi xilka kaga qaaday.

Wararku waxay xaqiijiyeen in Muuse Biixi uu wasiirka cusub ku amray inuu soo saaro warqad kale oo ka hor imanaysa amarkii uu bixiyey wasiirkii la eryey, ganacsade Axmed Hirad oo ka soo jeeda bariga Burco ayaana ku jira khasaaraha ugu badan, waxaana ka maqan qayb ka mid ah gurigii deynta loo siiyey iyo lacagtii gaadhiga ambalaas ah ee uu ka qaaday Cabdilaahi Abokor.

Ugu danbayn Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inaan la fulin Karin warqada amarka ah ee wasiirkii hore u qoray ganacsade Axmed Hirad, isaga oo la saftay qoyska ay isku jufada yihiin ee ilma Shirwac oo haysta qaybta ka maqan guriga deynta loo siiyey ganacsadaha Hirad Motors

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker