Madaxweynaha Kenya oo ka jawaabay hadalkii ay gabadhiisa tiri ee doodad weyn dhaliyay
Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa difaacay gabadhiisa, Charlene Ruto oo lagu heystay dood ka dhalatay markii ay sheegtay in uu jiro xafiis ay iyadu leedahay oo la dhaho “Xafiiska gabadha koowaad”.
Dalalka adduunka ayaa isku waafaqsan in xaaska madaxweynaha loogu yeero “Marwada Koowaad”, laakiin ma jiro magac loo yeelo carruurta madaxweynaha, sida “Gabadha koowaad ama wiilka koowaad”.
Tan iyo markii la caleema saaray William Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September, gabadhiisa Charlene Ruto ayaa sameysay munaasabado badan oo heer sare ah iyo kulamo ay ku qabaneysay xilka hadal-heynta dhaliyay ee ah “Gabadha koowaad”.
Hase ahaatee, Kenya sharci muujinaya in uu xafiiska noocaas ah jiro.
Maalintii Arbacada ayuu madaxweyne Ruto markii ugu horresay ka hadlay arrintan hadal heynta dhalisay, isagoo beeniyay in uu xafiiskaas jiro.
“Ii dhaafa gabadheyda, waad og tihiin kuwani waa carruur, waxay sameynayaan waxyaabo carruurnimo ah, aad baad u ogtihiin in uusan jirin xafiis noocaas ah… tani waa gabadha madaxweynaha William Ruto oo keliya mararka qaarna ma garaneyso farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo aabbe,” ayuu yiri Mr Ruto oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Howlaha ay fulineysay gabadha madaxweynaha ayaa dhaliyay su’aalo badan oo la iska weydiinayay in ay isticmaaleyso dhaqaalaha loogu talogalay dowladda.
Balse bishii lasoo dhaafay waxa ay beenisay in lacagta qaranka loo adeegsaday waxa ay ugu yeertay “Xafiiska gabadha koowaad”.
Waxa ay tiri: “Xafiiska Gabadha Koowaad waa goob shakhsiyeed oo gaar ah. Ma aaha xafiis dastuuri ah loomana adeegsado dhaqaalaha loo qoondeeyay dowladda.”