Madaxweynaha Tanzania oo fasaxday isu soo baxyada mucaaradka
Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa qaadday xayiraad lix sano ah oo saarneyd isu soo baxyada siyaasadeed.
Madaxweynihii ka horeeyay ee John Magufuli, ayaa sanadkii 2016 mamnuucay isu soo baxyada dadweynaha, hal sano kadib markii uu xukunka qabtay, isagoo sheegay inay isu bedeli karaan rabshado.