Falastiin iyo dhowr dal oo carbeed oo cambaareeyay booqashada uu masjidka barakeysan ee Al -aqsa ku tegay wasiir ka tirsan Israel

Falistiiniyiinta iyo dalal dhowr ah oo carbeed ayaa cambaareeyay daandaansina ku tilmaamay, booqasho uu wasiirka cusub ee amnga ee Israel uu ky tegay aagga u uku fadhiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus.

Mas’uul ka tirsan Falastiin ayaa sheegay in booqashada uu subaxnimadii hore oo manta ah uu goobtaas ku tegay Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan midigta fog, ay ku eedeynayaan, ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan ayaa dhamaantood siyaasigan ree Israel ku eedeeyay inuu ku duulay goobtaas oo ah dhismaha masjidka Al Aqsa.

Aaagaas waxaa hadda ku cibaadeysta oo ay u furantahay muslimiinta oo keliya, balse Ben Gvir ayaa in badan ku baaqay in Yuhuuda sidokale loo ohgolaado in halkaa ku cibaadeystaan.

Dhankiisa, Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furantahay qof waliba isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imanaya Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker