Duqeymo ka dhacay caasimadda Ukraine xilli loo dabbaaldegayay sanadka cusub

Xilli saqdii dhexe ee xalay loo dabbaaldegayay sanadka cusub ayaa waxaa caasimadda Ukraine ka dhacay weerarro hor leh.

Qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay Kyiv balse lama soo sheegin in wax khasaare ah uu ka dhashay.

Waxaa xaley la maqlayay dadweynaha caasimadda oo ku heesayay heesta qaranka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa sheegay in waddankiisa uu heysato hal fursad ah in uu dagaallamo tan iyo guul laga gaarayo.

Weerarradan ayaa dhacay labo maalmood kadib markii mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay dhaceen. Daraasiin weeraro ah oo socday toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa sababay korontadda ay tegto.

Waxaa jiray weeraro kale oo gantaallo ah oo lagu garaacay Kyiv saacado uun ka dib sanadka cusub Axadii, sida ay saraakiishu sheegeen. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker