Xaalad kacsan oo ka jirta maalintii labaad magaalada Laasacaanood
Xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa kacsan maalintii labaad ayadoo weli dibad baxyo ay halkaa ka jiraan.
Wararku waxay sheegayaan in khasaare dheeraad ah oo dadweynaha soo gaaray uu magaalada ka jiro, waxaana xiran inta badan ganacsiyada suuqa.
Shalay ayey ahayd markii ay banaanbaxyada rabshadaha wata ka dillaaceen magaaladaas, ka dib markii habeen hore lagu dilay siyaasi la yiraahdo C/fataax C/laahi Hadraawi.