” Waxa aa si adag u cambaareynayaa falalkii waxashnimada ahaa ee ay Xukuumaddu shalay ka geysatay Maagaalada Laasacaanood,” Musahrax Cirro
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa Ka Hadlay Dilaalka Soo Noqnoqanaya ee Magalada Laasacood Waxanu kaga Hadalay Qoraal uu Soo Saaray oo U Dhignaa Sidan :-
” Waxa aa si adag u cambaareynayaa falalkii waxashnimada ahaa ee ay Xukuumaddu shalay ka geysatay Maagaalada Laasacaanood, wax la aqbali karo maaha in iyada oo aan wali gacan ku dhiiglayaasha Haldoorka reer Sool gumaaday aan waxba laga qaban in hadana Shacabka waxyeello soo gaadho isugu jirta dhimasho iyo dhaawac tiiyoo loo adeegsanayo rasaas nool, waa arrin foolxumadeeda oo qarankana laf-jab ku ah, in aanay dib u dhicinna aanu ka digeyno.
Xukuumadda wakhtigeedii dhammaaday, waxa aan ugu baaqayaa oo looga fadhiyaa in ay Umadda reer Somaliland iyo Shacabka Gobolka SOOL-ba ay si adag oo qoto dheer wax uga qabato dilalkan soo noqnoqday ee Umadda indheergaradkeedii lagu beegsanayo, isla markaana ay soo afjarto falalka amni darrada ee la caadeystay oo ay sugto xasilloonida guud ee Gobolka.
Shacabka reer Laasacaanood, waxa aan ugu baaqayaa in ay is xakameeyaan, nabadgelyada ilaalinteedana ka qeyb qaataan, isla markaana meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo khakhal gelin karo nabadda Gobolka “