Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho soo gaadhay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Geelle ayaa loo gudbiyay Villa Soomaaliya, munaasab kooban oo soo dhaweyn ah kadib, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray kahor imaatinka madaxweynaha Jabuuti, iyada oo sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu ay hay’adaha ammaanku u xireen jidadka magaalada ‘si loo adkeeyo amniga martida.’

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale si wadajir ah xarigga uga jari doona xarunta cusub ee Akeddeemiya Goboleedka Af Soomaaliga, sida ay sheegtay xaruntu.

Xarunta Akedeemiya Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa sidoo kale sheegtay in martida ka qeyb galeysa daahfurka xaruntan uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumer

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker