Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyaay
Senator Ilhan Omar oo ka mid ah Congress-ka Mareykanka ayaa maanta soo gaartay magaalada Garoowe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey ku simaha guddoomiyaha Ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada dowlad gobolleedka Puntland mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, masuu’lyiinta ka tirsan goleyaasha dawladda iyo dadweyne kale.