Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay isu soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib markii ay isu soo dhiibeen ciidamada dawladda ee ku sugan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa sheegtay in xubnaha isu soo dhiibay dawladda ee ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka kooban yihiin, afar xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cali XAsan oo loo yaqaano Macalin Xudayfa.

Wakaaladda wararka ee Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in xubnaha isa soo dhiibay inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay Macalin Xudayfa oo ahaa taliyihii ururka al-Shabaab ee Jubbada Dhexe.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in Macalin Xudayfa uu hoggaaminayey maleeshiyadii ururkaas ee dhowaan lagu jebiyey dagaalladii ka dhacay shabeelada dhexe.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan ururka al-Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dawladda ee ku sugan Hirshabeelle.

“Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalin ka hor, isla deegaankan uu isna ciidamada isu dhiibay Siciid Raage oo ururkaas ugu magcawnaa nabadoon iyo mid ka mida xubnaha ururkaas.

“Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku waxaana ka go’an Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker