“Maanta Guri Kasta Waa Laga Oynayaa Qof Walba Waxa Uu Sugayaa Sidii Uu Muuse…” Xisbiga Wadani.

Ra’iisaal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa raaligelin ka bixisay aflagaado ay u gaysatay siyaasi mucaarad ah xilli ay ka hadalaysay baarlamaanka hortiisa.

Erayada aflagaadada ah ee ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha New zealand ayaa waxa si lama filaan ah looga maqlay makroofanka xilli ay ka jaawabaysay su’aal uu weydiiyay David Seymour, hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas.

Jacinta, ayaa ka dib markii ay soo gabagabaysay jawaabta su’aasha la hordhigay waxaa la maqlay iyada oo si hoose ugu dhawaaqaysa erayadaan “doqon kibir badan.”

Ms Ardern – oo xisbigeeda hoos u dhac ku yimid 12-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa raaligelin ka bixisay aflagaadadan aadka uga caraysiisay siyaasiga mucaaraka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker